Dad badan ayaa aaminsan in Digital Marketing-ku yahay hal xirfad, balse, xaqiiqdu waa in ay tahay takhasus ay soo hoos galaan xirfado badan oo aan ka dhicin, waxa ay sidoo kale dallad u tahay oo ay kulmisaa aqoon kala duwan sida IT, Computer Science, Business, Leadership, Management, Arts iyo kuwa kale. Sidaa darteed, qofka barta Digital Marketing waa qof leh aqoon isku dhaf ah.
Haddii aad tahay shaqsi, shirkad, hay’ad ama dowladba, xirfaddan waa mid ku afacaysa maanta iyo berriba, waayo waxa aad ku baraneysaa sida aad u suuq geyn lahayd naftaada, shirkaddaada ama fikraddaadaba!